Mas’uuliyiin DDS Soo kormeeray Dhul beereedka Mooyaale

Mooyaale (Nogob News) 17/06/2020

Masuuliyiintan Isku Dhaf Ah Oo iskugu Jiray Heer Deegaan Iyo Heer Degmo Oo Uu Hogaminayay Wasiir Ku Xigeenka Xafiiska Khayradka Xoolaha DDS Ayaa Kormer Hawleed Ku Gaadheen Beeraha Ku Yaala Duleedka Mooyaale,kuwaasoo ka kooban 199 Hektar Oo Dhul Beereed Ah Oo Ay Ka Baxaan Dalagyada Kala duwan .


Waxayna U Kuur Galeen Xaalada Guud Ee Beerahasi,iyagoo Ay Iskashatoyinka beeralayda degmadaasi Oo Ka Kooban 8 Iskashato Ka waraysteen xaalada beeraha,iyagoo ku dhiiri galinayay inay sii xoojiyaan dhul beereedka,maadaama lagu jiro xili, safmarka covid 19 uu saameeyay dhaqaalaha iyo waxsoosaarka.


Waxaana Kabaxa Beerahaasi Dalagyada Kaladuwan Ee Sida Babayga ,Liin Macanta, Cambaha,Saytunka, Digirta iyo Galayda.

Mohamed Madaale Mooyaale nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed