Wardheer 24 Guryo Casri ah Shaqaalaha dowlada oo Lagu doonsiyay

Wardheer (Nogob News) 18/06/2020

24 guri oo ka mid ahaa guryo wadareedyada ayaa waxaa bakhtiyaa Nasiib loogu kala sameeyay shaqaalaha xirfadlayaasha waxbarashada iyo caafimaadka ka hawlgala magaalada Wardheer

Qaar ka mid ah xirfadlayshan ka qaybgalay bakhtiyaanasiibkan oo SRTV la hadlay ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin qaabkii ay u dhacday shaqadani

Ku Simaha Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Doolo Mudane Yoonis Jaamac oo hadal kooban u soo jeediyay gudiga iskudhafka ah ee hawshan guryo wadareedka ayaa tilmaamay baahida ka jirta dhinaca guryaha sidaas daraadeed wax badan ka qaban doonto rabitaanka shaqaalaha Dawlada ee adeeg bixinta siiya bulshada

Dhinaca kale Khadar Barkhadle iyo Eng Saxane Muxumed oo ka kala socday Xafiiska Madaxwaynaha DDS iyo Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha ayaa xusay Guryo wadareedyadani inay qayb kahihiin mashaariicaha hormarineed ee SM2012Ti, ee Xafiiska Hawlaha Guud uu ka sameeyay 10 Gobal oo kamid ah Gobolada Deegaanka Somalida.

Masuuliyiintu waxay intaas kudareen dhismayaashan guryo wadareedyada magaalada wardheer inay yihiin 48 xaafadood (blook) 50% loogu talagalay inay galaan shaqaalaha xirfadlayaasha Adeega siiya shacabka 50% loogu talagalay Dadka Danyarta iyo agoonta

Mashaariicahan dhismayaasha guryo wadareedyada oo loodhisay si looyareeyo baahida dhinaca hooy la’aanta ka jirta magaalooyinka korna loogu qaado bilicda magaalooyinka Deegaanka Soomaalida.

Mohamed Madaale Wardheer nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed