Xafiiska Dhalinyarada kormeer ku soo Sameeyay Mashuuca Shaqo abuurka

Shabeele (Nogob News) 18/06/2020

Wasiirka Ku Xigeenka Xafiiska Dhalinyarta iyo Ciiyaaraha DDS ayaa socdaal lagu xaqiijinayo heerka uu marayo ka faa’iidaysiga barnaamijka shaqo abuurka dhalinyarada ku soo maray degmooyinka Abaa Qoroow, Beercaano, Dhanaan, Cadaadle iyo dagmada Elele ee gobalka Shabeele.

Ujeedada booqashada Wasiirka ku Xigeenka Xafiiska Dhalinyarta iyo Ciyaaraha DDS ayaa ku qotantay sidii si cilmiyeysan loogu darsi lahaa ka faa’iidaysiga dhalinyarta ee mashaaricaha shaqo abuurka miyiga iyo waliba sidii qiimayn loogu samayn lahaa wax qabadka gudiyada shaqo abuurka ee 5tan degmo.

Hadaba, dhalinyarada mashaariicada shaqo abuurka looga faa’iideeyey ee degmooyinkan ayaa tilmaamay in ay shaqo abuurka xukuumadu u samaysay si wanaagsna uga faa’iidaysteen qiimayntna wax weyn uu ka badalay

Geesta kale ayaxa dhawaan qaar kamida dagmooyinka Gobolka Shabeele ku habsaday ayaa wuxu ayuxu qaar ka mida degmooyinka ku reebay ugax.

Waxayna qaar kamida dhalinyarta shaqo abuurka loo sameeyey ee dagmada Aba Qoroow sheegeen in ugaxdii uu Ayaxu ku reebay oo dibu u soo kacday ay khasaare ba’an u gaystay Tabaca dalaga beeraha ee nolasha bulshada xooladhaqatadu kutiirsan tahay.

Dhankiisa Easiir Ku Xigeenka Xafiiska Dhalinyarta DDS Mudane Ibraahim C Qaadir ayaa faahfaahin nagasiiyey waxqabadka gudiyada shaqo abuurka degmooyinka iyo waxyaabihii ay qiimaynta ku soo sameeyeen ee shaqo abuurka dhalinyarta degmooyinka Abaa Qoroow, Beercaano, Cadaadle, Dhanaan Iyo dagmada Eleele.

Mohamed madaae Godey nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed