Axmaaro Si Dadban u dhacaysa Xuquudii Somalida laheyd (Warbixin)

Diredhaba (Nogob News) 19/06/2020

Bangiga Itoobiya laamaha Dhagax-Buur iyo Qabridahare ee hoostaga Diridhaba ayaa qandaraas dayactir iyo balaadhina dhajiyay,waxaana usoo tartamay oo shuruudihii buuxiyay labba shirkadood oo ay Soomali leedahay. Tartankii hore waa la joojiyay kaddibna shirkadihii Soomalida waxaa lagu qanciyay in laga maarmay shaqadii maddama caabuq jirro.

Nasiib darro waxaa qandaraskii oo wax laga baddalay si hoose loo siiyay nin Axmaara,maaddama Diridhaba xarunteeda laga maamulo oo ay kusoo go’aamiyaan halkaas.

Horta hal arrina haddaan la sixin fursadahan iyo kuwoo kaloo baddan way addagtahay in laga faa’idaysto. Deeganku innuu sidda Kililada kale xaruun Bangi yeesho oo aan Hararge laga maamulin maxaa diiday? Maxaa Soomalida ku gaara oo uu wali ugasii shaqaynayaa hannaankii maamul ee jihoyinka ku dhisnaa?

Arrinta soo wareejinta xarunta Bangiga sidda korontada waa innay maamulka Deeganku uga shaqeeyaan.

Arrintan qandaraskana waa innay dhalinyarada Dhagax Buur iyo Qabridahare diidaan. Waa xuquuq dastuuriya in fursad kasta looga faa’iideyo dadka meesha mashruca laga fulinayo udhashay. Itoobiyada kalena way addagtahay in qorshe noocana lagu dayo maddama ay bararugsan yihiin. Axmaarku meshoodu qandaras ka qaataa cidkalena ma ogola,Oromaduna cidkale ma ogola oo iyagaa Deegankooda ka qaata,Tigreeyna haddalkii daa.

Maxaa innaga dhigay goob la wadda lee yahay.Dhalinyarada Qabdridahe iyo Dhagax-Buur waa innaad xuquudina dasturiga dhacsataan.

Wariye Abdixakiim Diredhaba Abdixakiin99@gmail.com

Comments are closed