Gudoomiya xisbiga UDFP Hadal Miisan leh ka Jeediyay Xaflad Sagootinta ee xamaasad ka muuqato

Jigjiga (Nogob News) 19/06/2020

Gudoomiya xisbiga UDFP oo madashi maanta ka haddlayay ayaa arimo baddan oo masiiriya ka hadlay,waxaan halkan kusoo koobnay haddalkiisii.

Itoobiya bisayl wayn ayaa ka muuqda,qowmiyad walba waxay u tartamayaan oo ay ku dagalamaysaa xuquuqdooda. iyagoo mucarad iyo muxafad ah ayay danguud leeyihiin,innaga waxaad mooda habbacsanaan baddan innay jirto. majiro ajendhe guud oo Soomaliyeed oo guud oo lagu saleeyay danta ummada islarmarkaan meel yaalo oo laga wadda warhayo oo la difaacayo.


Waxgaradka iyo bulshada kale iska daaye xisbiayda siyaasadeed wali iskuma iman; Ajandhe guud oo la xidhiidha dhulka,dhaqaalaha,xuquuqda iyo khayraadka oo ummadan meel uyaala majiro. Xisbiga BARWAAQO waa urur Itoobiya wadda leedahay urur soomalida ugaara maah,xuquqda soomalida kaligii ma difaaci karo. sababtoo ah Soomalidu xisbigan dhexdiisa waxay ku tahay minority,haddii cod la qaado waa lagaa badinayaa.

Waa in la helaa ururo xoogan oo deeganka ka jira,waa in waxagaradka iyo aqoon yahanka tallada laga qayb galiyaa. Waa inuu jirraa ajendhe guud oo qofkii ka weecda la qabbanayo ama la saxayo. Hadda waxba inooma bilawna amaan iyo sacab umbaan tumaynaa waanan iska soconaa
Dhulka soomalamidu waa dhul balaadhan,qowmiyado baddan oo khilaafad dhul inaga dhaxeeyo ayaan jaar nahay,ilaa hadda xal loooma hayo khilafadka cid inna dhex dhaxaadinaysa majirto. Itoobiya markay dhulka noqoto hal meelay innaga tahay.

Tusaale ahaan Diridhaba iyo Moyale waa qadiyad wayn,waana magaalloyin Soomaliyeed,waxaa kaloo jira dhul Canfartu innagu haysato. Yaa difacaya? Waa in ummada la baraarujiyo oo lala socodsiyo xaalada dalka iyo halkay wax marayaan.

Jawaabtii Madaxwayne Mustafe ee haddalkan ayaan idinla waddaagi doonaa

Abdi ciise jigjiga abdiciise917@hotmail.com

Comments are closed