Hoolka Shirarka Salaxaad oo Ka Socda Shirkii Nabadeynta Raaso & Salaxaad

Saaxaad (Nogob News) 19/06/2020

Hogaanka Nabadgalyada DDS Mudane Dr Xuseen Xaashi Qaasim iyo wafdigii la socday ayaa maanta diyaarad kuwa qumaatiga u kaca kaga dagay degmada Salaxaad.

Hogaanka iyo Wafdigiisa waxaa degmada ku soo dhaweeyay Masuuliyiinta Guddiga Nabadaynta, Maamulka Degmada iyo cuqaasha Degmada Salaxaad.

Dabadeed waxaa Hogaanku uu furay kulanka wada hadalka oo haatan ka socda hoolka shirarka dagmada Salaxaad shir uu hogaaminayo Hogaanka Nabadgalyada DDS Dr Xuseen Xaashi.

Shirkan oo ay kaso qayb galen gudiga xalinta khilafaadka DDS, masuulyinta Ciidanka difaaca qaranka masuuliyunta cidanka xooga gaarka DDS, odayasha, waxgaradka iyo hooyooyinka dagmada Salaxaad aya ugu horaynti waxa shirkan furitaankisa ka hadlay Hogaanka Nabadgalyada DDS.

Hogaanku waxaa uu sheegey in nabadu ay mar kasta muhim u tahay dhamaan bulshada ku nool deegaanka Soomaalida. wixii ka soo baxa kulankaasi ayaan wararka dambe kala soco NOGOB NEWS

Mohamed Madaale Salaxaad email nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed