Shaqo Abuur Loo Sameeyay Degmooyinka Ga-Xamar & Bookh (Warbixin)

Bookh (Nogob News) 19/06/2020

Qaybihii bulshada degmooyinka Gal Xamur iyo Bookh ee dawladu shaqa abuurku u sameeysay ayaa sheegay inay ka faa’iidaysteen fursadihii la siiyay.

Qaar kamid ah xubnihii sanad miisaaniyadeedkii hore ee 2012Ti lagu maal galiyay shaqa abuur ee Dagmooyina Gal Xamur iyo Bookh oo Warbaahinta la hadlay ayaa xusay inay shaqa la’aan ahaayeen xiligii hore isla markaana fursadaha shaqo abuur ee dawladu ay u samaysay kaga baxeen camal la’aantii haysatay.

Xubnahan waxay sheegeen inay haatan anfaceen naftoodii, tii qoyskooda iyo qaraabadoodaba isla markaana rajaynayaan inay sii xoojiyaan ganacsigooda.

Maareeye Ku Xigeenka Ha’yada Adeega Lacagaha Yaryar ee Soomalida Mudane Nuur Maxamed Ismaciil iyo Fardawsa Cabdi oo ka socotay Xafiiska Arimaha Haweenka iyo Caruurta DDS oo ka mid ahaa xubno gudi iskudhaf ah una yimid Gobalka Doolo dabagal iyo taakulayn dhinaca shaqa abuurkii Dawladu usamaysay Dagmooyinka Gobalka Doolo.

Xubnahan oo mudo kooban iyo shaqo badan ku tagay 4ta Dagmo ee kala ah Gal Xamur, Bookh, Galaadi iyo Danood waxayna kulamo la qaateen gudiyada shaqa abuurka ee Degmooyinkaas ayaga oo dhinaca kale madax taabasho ku soo sameeyay dhamaan iskaashatooyinka shaqa abuurka qaabkay u shaqaystaan dhaliilaha shaqo dhinacyada jilicda san.

Guddigu waxaa kaloo uu siinayay talabixino la xidhiidha toosinta khaladaadka iyo adkaynta dhinacyada wanaagsan guddiyada iyo maamulada heer degmo.

Masuuliyiinta maamulada Dagmooyinkaas ayaa dhankooda tilmaamay inay wadaan ka maamul ahaan kobcinta iyo kor u qaadista awoodooda fulineed ee iskaashatooyinka si ay u gaadhaan heerka isku filaansho wax soo saar.

Iskaashatooyinka shaqa abuurka Gobalka Doolo waxyaabaha ay ka shaqaystaan waxaa kamid ah Raashinka, Bagaashka, Sharaabka, Dharka, Khudaarta, Xoolaha iwm.

K/SGu/M/Gobolka Doolo Mudane Yoonis Jaamac oo waraysi siiyay wariyayaasha Wakaalada Warbaahinta DDS ee DDS iyo Jigjiga FM ayaa xoosta ka xariiqay Guud ahaan 7 degmo ee Gobalka Doolo 2011-2012Ti inay shaqa abuur Xukuumada DDS usamaysay in ka badan190 iskaashato ayadoo lagu maal galiyay aduun lacageed oo ka badan 28 Milyan oo Birr.

Mohamed Madaale Email nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed