DAAWO Aadan Faarax oo ka ambabaxay Jigjiga (Warbixin)

Jigjiga (Nogob News) 20/06/2020

Madaxwaynaha DDS, Mudane Mustafe Muxumed Cumer iyo golihiisa wasiirada ayaa saaka Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Garaad Wiil-Waal ka sagootiyay Madaxwayne ku Xigeenkii Hore ee degaanka ee loo doortay Afhayeenka Golaha Fadareeshinka dalka, Mudane Aadan Faarax Ibraahim.

Munaasabada sagootinka oo qiiro dheeraad ah lahayd waxaa madaxwaynaha ku weheliyay golaha wasiirada degaanka. afhayeenka golaha fadareeshinka dalka oo inta la doortay kadib, maalmo kooban ku sugnaa degaanka, ayaa habeenkii xalay ahaq loo sameeyay xaflad balaadhan oo sagootina.

Afhayeenka ayaa ambabaxa maanta ka bacdi kolkuu ku laabto caasimada dalka ee Addis Ababa si joogta ah u bilaabi doona shaqada baarlamaanka

Mohamed Madaale jigjiga nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed