Gobolka Shiniile oo ka tashan Xaalada Barakacayaasho

Shiniile (Nogob News) 20/06/2020

ujeedada kulankan waxaa uu ahaa sidii dadka barakacayaasha ah ee kusoo barakacay colaadihii gacan ku rimiska ahaa ee ay TPLF ka dhex abuurtay qoomiyadaha walalaaha sidii dib udajinta loogu samayn lahaa ka sokow dawlada ,sidii ay haayadaha aan dawliga ahayn uga qaybqaadan lahaayeen door ay ku leeyhiin arimaha bani aadamtinimada iwm.


kulankaasi oo ka qabsoomay madasha shirarka ee dagmada shiniile ee xarunta gobolka siti ayaa waxaa ka soo qaybgalay gudoomiye kuxigeenka gobolka Siti Mudane Cabdi Maxamed Ibraahim iskuduwaha haayadaha ee gobolka siti mudane Xasan Reebe iyo Yuusuf cismaan maxamed agaasinka waaxda yaraynta halista masiibooyinka iyo dib u dejinta oo ka socday xafiiska maaraynta khataraha ee DDS.

Mudane Yuusuf Cismaan Maxamed, agaasinka waaxda yaraynta halista masiibiiyinka iyo dib u dejinta ayaa sheegay in la diyaariyey dhul kufadhiya 10 hiktar oo ku yaala duleedka magalada shiniile oo la dajinayo 954 qoys oo si ku meel gaadh ah ugu sugan magalaada Diridhaba gaar ahaan meliniam park,kuwaas oo laga caawin doono qalabka dhismaha .

Mohamed madaale shniile nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed