Maamulka Gobolka Hiiraan iyo dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya oo xal ka gaaraya colaadda beelo Soomaaliyeed oo Aabaaley ka dhacday

Ferfeer (Nogob News) 20/06/2020

Maamul Goboleedka Hirshabeelle iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxay dadaal adag ugu jiraan sidii loosoo Af-meeri lahaa colaado dhowaan ka dhacay deegaanka Aabaaley oo dhaca meel dhow xudduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Hoggaanka Nabad-gelyada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo arrintaan soo fara-geliyay ayaa sheegay in ay ka go’antahay in xal loo helo arrintaas, si nabad loogusoo celiyo deegaanka lagu dagaallamayay.

Cabdullaahi Maxamed Cabdi oo ah ku xigeenka hoggaanka xafiiska nabad-gelyada deegaanka Soomaalida oo la hadlay BBC-da ayaa waxa uu sheegay in hadda ay qaadanayaan kaalin mas’uuliyadeed oo ujeeddadeedu tahay in lagusoo ebyo colaaddan u dhexeysa maleeshiyada beelaha wada dhashay ee wada dega degmada Feer-feer ee Gobolka Shabeelle.

“Annagu ma caddeyn karno, in maleeshiyada wax dishay ay kasoo jeedaan Soomaaliya “ ayuu ku jawaabay Cabdullaahi Maxamed Cabdi oo ka jawaabay mar la weydiiyay halka ay ka yimaaddeen dableyda loo aaneynayo in ay wax dishay.

Dhinaca kale waxaa maanta dib u dhacay kulan lagu waday iney qaataan Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan iyo ku-xikeenka hoggaanka nabad-gelyada dowlad deegaanka Soomaaliyeed ee Itoobiya Cabdullaahi Maxamed Cabdi.

Hase-ahaatee waxaa lagu wada in mas’uuliyiintaan berri ay kulmaan

Beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamay deegaanka Aabaaley ayaa wada-dego dhul ballaaran oo hoos yimaada degmada Feer-feer ee Gobolka Shabeelle, waxaana iminka muuqata in dowladda deegaanka Soomaalida ee  ay hadda u istaagtay sidii xal loogu heli lahaa colaaddaas soo noq-noqotay .

Comments are closed