“Eng Shaafi mudo Bil ah ayaan u qabanay dadkii shuruucda maaglashiga kasoo bixi waaya”

Jigjiga (Nogob News) 21/06/2020

Maareeyaha Maamulka Magaalada Jigjiga Eng Shaafi Axmed Macalin oo wareysi xafiiskiisa ku siiyay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono dadka aan u hogaansamin nidaamka isticmaalka dhulka gaar ahaan dhismayaasha aan sharciga waafaqsaneyn ee laga dhisayo wadooyinka waaweyn ee dhex mara magaalada Jigjiga.

Dhanka kale wuxuu fariin udiray maareyaasha maalgaliyayasha xili hore la siiyay dhul badan oo magaalada ku yaalo si ay maalgashi ugu sameeyaan balse aan wax maalgalin ah ilaa iyo hada aan samayn wuxuuna sheegay in ay u qabteen mudo bil ah si ay u bilaabaan dhismaha goobaha maalgashiga.

Maxamed madaale jigjiga nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed