Maxay tahay sababta loo xiray Jawaar Maxamed?

Addisababa (Nogob News) 01/07/2020

Jawar Mohammed, oo ah siyaasi caan ah oo ka tirsan qowmiyadda Oromada, ayaa la xiray xilli ay dhaceen rabshado daba socday dilka fannaan caan ah oo lagu magacaabi jiray Hachalu Hundessa.

Ugu yaraan 50 ruux ayaa lagu dilay dalka Itoobiya kaddib markii ay dhaceen dibadbaxyo looga careysan yahay dhimashada fannaan caan ahaa oo kasoo jeeda gobolka Oromia, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal maxalli ah.

Kumannaan qof oo taageerayaal ah ayaa isu tagay si ay ugu baroor diiqaan Hachalu Hundessa, oo la dilay habeenkii Isniinta, xilli uu gaarigiisa watay.

Booliska ayaa sheegay in la xiray 35 ruux, oo uu ku jiro siyaasiga caanka ah ee lagu magacaabo Jawar Mohammed.

Sababta loo dilay Hachalu wali ma cadda.

Hase yeeshee, booliska ayaa sheegay inay xabsiga u taxaabeen labo qof oo lagu tuhunsan yahay inay fuliyeen dilkiisa.

Hachalu, oo 34 jir ahaa, wuxuu dhawaan sheegay inay soo gaareen hanjabaado loogu gooddinayay in la dili doono. Waxaa meydka fannaankan la aasi doonaa maalinta Khamiista ah.

Heesihiisa wuxuu diiradda ku saari jiray xuquuqda qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, waxayna halkudhig u noqdeen mudaharaadyadii socday 2018-kii ee horseeday inay burburto dowladdii uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaarihii hore.

Dad badan ayaa ku dhaawacmay dibadbaxyadii dhacay Talaadadii, “waxaana burbur xooggan loo geystay hanti badan,” sida uu BBC-da u sheegay Getachew Balcha, oo ah afhayeenka dowlad goboleedka Oromada.

Dowladda ayaa Talaadadii joojisay adeeggii internet-ka ee qeybo ka mid ah waddanka, xilli ay mudaharaadyada looga soo horjeedo dilka fannaanka ku fidiyeen gobolka Oromia.

Maanta oo Arbaco ah xitaa waxaa lasoo tabiyay inay wali xasilooni darro ka jirto halkaas.

Maxaa loo xiray Jawar?

Jawar Mohammed
Qoraalka sawirka,Jawar Mohammed waa hoggaamiye sare oo ka tirsan Oromada, wuxuuna mucaarad ku yahay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed

Dhibaatadu waxay billaabatay markii meydka Hachalu oo loo qaaday magaalada uu kasoo jeeda ee Ambo, oo dhinaca galbeed ka xigta caasimadda Addis Ababa, si loogu aaso, laakiin Mr Jawar iyo taageerayaashiisa ayaa dhexda u galay iyagoo isku dayay inay dib ugu celiyaan caasimadda.

Taliyaha booliska federaalka, Endeshaw Tassew, ayaa Talaadadii sheegay inuu dhacay ismari waa.

“Waxaa iska hor yimid ciidanka amniga federaalka iyo dad kale, arrintaasna waxay sababtay in la dilo hal askari oo ka tirsan booliska gaarka ah ee Oromia,” ayuu yiri Mr Endeshaw.

“35 ruux, oo uu ku jiro Jawar Mohammed, ayaa xabsiga la dhigay. Ciidamada ammaanka waxay gacanta ku dhigeen siddeed qori iyo shan bastooladood oo saarnaa gaariga Jawaar Maxamed,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Dad badan ayaa isugu soo baxay magaalada Addis Ababa, si ay ugu baroor diiqaan fannaanka la dilay
Qoraalka sawirka,Dad badan ayaa isugu soo baxay magaalada Addis Ababa, si ay ugu baroor diiqaan fannaanka la dilay

Tiruneh Gemta, oo ah sarkaal ka tirsan xisbiga Mr Jawar, ayaa BBC-da u sheegay in ay “aad uga walaacsan yihiin” xarigga hoggaamiyahooda, walina aysan u tagin “mas’uuliyiinta xiray, maadaama ay jirto xasilooni darro ilaa hadda taagan”.

Mr Jawar, oo ah nin aad uga hadla warbaahinta, ayaa mar walba dalbada in xuquuq dheeraad ah la siiyo Oromada, oo ah qabiilka ugu tirada badan dalka Itoobiya, lagana qadin jiray xilalka siyaasadeed ee dowladihii hore.

Markii hore wuxuu taageero u muujiyay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, oo qudhiisa kasoo jeeda Oromada, laakiin waayadii dmabe wuxuu billaabay inuu dhaliilo.

Maxaa dhacay intii ay socdeen mudaharaadyada?

Magaalada Adama, oo 90km (56 mayl) dhinaca koonfur-bari ka jirta caasimadda Addis Aababa, ayaa Talaaladii toogasho lagu dilay xilligii ay socdeen mudaharaadyada, 75 qof oo kalena waa la dhaawacay, sida uu BBC-da u sheegay Dr Mekonnin Feyisa oo ka mid ah saraakiisha Isbitaal ku yaalla halkaas.

Map
Presentational white space

Magaalada dhinaca bari ku taalla ee Chiro, waxaa toogasho lagu dilay 2 ruux intii ay mudaharaadyada socdeen, sida uu BBC-da u sheegay dhakhtar ka howl gala isbitaal ku yaalla magaalada.

Harar oo iyadana ku taalla isla bariga Itoobiya ayey dad mudaharaadeyaal ah ku burburiyeen taallo uu leeyahay Ras Makonnen Wolde Mikael – oo ah aabihii dhalay Haile Selassie, oo ahaa boqorkii ugu dambeeyay ee Itoobiya.

Taalladu waxay muujineysay Ras Makonnen, oo xubin muhiim ah ka ahaa milatarigii hore, barasaabna kasoo noqday gobolka Harar qarnigii 19-aad, xilligii ay jirtay boqortooyadii Menelik II, waxaana astaan laga dhigay isagoo faras saaran.Ka bood

Presentational white space

Wareysi uu Hachalu dhawaan siiyay telefishin uu leeyahay Mr Jawar ayuu ku sheegay in dadku ay mar walba xasuusnaadaan in fardaha ay ku fadhiyaan hoggaamiyeyaashii hore ay yihiin kuwo ay shacabka lahaayeen.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ka tacsiyeeyay geerida fannaanka, isagoo bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in “maanta la waayay naf qaali ah”, wuxuuna ammaan u jeediyay fannaanka dhintay.

2016 iyo 2017 waxaa dhacay mudaharaadyo looga soo horjeeday xukuumaddii hore
Qoraalka sawirka,2016 iyo 2017 waxaa dhacay mudaharaadyo looga soo horjeeday xukuumaddii hore

Dilka fannaanka iyo mudaharaadyada socday ayaa kusoo aaday xilli ay Itoobiya ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ku saabsan doorashada waqtigeeda laga dib mariyay.

Waxaa markii hore la filayay in ay doorashadaas dhacdo bisha August, laakiin waxaa dib loogu dhigay waqti aan wali la cayimin.

Waxay noqon lahayd doorashadii ugu horreysay ee lagu tijaabinayo taageerada uu heysto Abiy Axmed, tan iyo markii uu xukunka qabtay sanadkii 2018-kii.

XIGASHO BBC

Comments are closed