Itoobiya oo xirtay telefishin ay ku eedeysay ‘kicin dadweyne’

Addisababa (Nogob News) 03/07/2020

Mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa albaabada isugu dhuftay xafiiska ugu weyn ee warbaahinta Oromo Media Networka ku leeedahay dalkaas, dowladda waxay ku eedeysay telefishinkan in uu abuurayay kicin dadweyne iyo mid diimeedba.

Halka dowladda ay baareyso labo telefishin oo kale oo laga la yiraahdo Asrat iyo Dimtsi Weyane.

Teleefishinka Oromia Media Networka wuxuu la hadlaa Oromada, telefishinka Asrat wuxuu la hadlaa dadka Amxaarada ah halka Dimtsi Weyane uu barnaamijyadiisu ku baahiyo luqadda Tigreega.

Tallaabadan ayaa imaaneysa xilli Itoobiya ay ka dhaceen dibadbaxyo rabshado dhaliyay kaddib dilkii fanaankii caanka ahaa Hachalu Hundessa.

Ugu yaraan 80 qof ayaa ku dhimatay qalalaasaha ka dhashay dilka Hachalu.

Weli Itoobiya waxaa ka taagan xiisad, waxaana weli xiran Internetka.

Comments are closed