Taalladii Haila Selessie ee London oo dib loo dhisayo

London (Nogob News) 11/07/2020

Safaaradda dalka Itoobiya ee magaalada London ayaa waxay sheegtay iyadoo kaashaneysa Jaaliyaddeeda waddankaasi iney dib usoo celin doonto taalladii Boqor Haile Selessie oo ku taallay magaaladaas, taas oo isbuucii lasoo dhaafay ay bur-buriyaan dad careysan oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromada .

Dadka taallada jajabiyay ayaa waxay  ka careysnaayeen dilkii loo geystay Fannaankii caanka ahaa  ee Hachalu Hundessa, kaas oo isbuucii tegay lagu toogtay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Dhimashada Fannaankaasi kadib, dad badan oo taageerayaashiisa ah ayaa dibad-baxyo rabshado wata waxay ka dhigeen Addis Ababa iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Itoobiya, waxaana lasoo bandhigay muuqaallo muujinaya gacan ka hadal  u dhex-marayay ciidamada booliska iyo dadkaas.

Dibad-bax ayaa sii xoogeystay, waxa uuna u gudbay qaaradda Yurub iyadoo boqollaal dhalinyaro Oromada kasoo jeedo ay beegsadeen taalladaasi oo ay baabi’yeen. Iyadoo ciidamada Booliska Ingriisku ay sheegeen iney baarayaan falkaas.

Comments are closed