Itoobiya iyo Masar oo heshiis ku kala kacay

Addisababa (Nogob News) 14/07/2020

Sawirro satellite lagu qaaday ayaa muujinayaa in Itoobiya ay bilowday inay buuxiso biyo xireenka ay ka dhiseyso webga Nile.

Sawirkan oo la qaaday intii u dhexeeysay 27-kii bishii Juun iyo 12-ka bishan ayaa muujinayaa in biyo xireenka uu buux dhaafay, Dowladda Itoobiya wey ka gaabsatay inay ka hadasho arrintani.

Balse waxay ku adkeysatay in biyo xireenka ay buuxineyso bishan oo la galayo xilli roobaadka.

Waxay arrintani imaaneysaa xilli shaley uu guuldarro ku dhammaaday wadahadallo u dhexeeyay Masar, Itoobiya iyo Suudaan kaas oo la doonayay in lagu xalliyo muranka ka dhashay biyo xireenka Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile.

Guddiga farsamada ee wadahadallada ayaa warbixin u gudbinayaa Midowga Afrika oo garwadeen ka ah dhexdhexaadinta dalalkan.

Itoobiya waxay u aragtaa in biyo xireenka uu ka qeyb ka yahay dhaqaalaheeda halka Masar ay cabsi ka qabto in saameyn uu ku yeesho heerka biyaha webiga Nile oo ku tiirsan yihiin shacabkeeda.

Comments are closed