Ra’iisul wasaare Kheyre oo maanta u safraya Dhuusamareeb

Muqdisho (Nogob News) 14/07/2020

Warar laga helayo ilo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxay warbaahnta u xaqiijiyeen in la filayo maanta in uu u dhoofo magaalada Dhuusamareeb ra’iisul wasaaraha, isagoo aqbalay casuumaaddii ay u sameeyeen madaxda maamul Goboleedyada dalka, isaga iyo madaxweyne Farmaajo.

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb, iyagoo halkaasi uu uga socday shir looga hadlayo arrimaha masiirka qaranka iyo xaaladda kala guurka ah.

Sidoo kale Wararka laga helayo Villa Somalia ayaa sheegaya in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isagana aqbalay inuu ka qeyb-galo shirka ka soconaya magaalada Dhuusamareeb, Wararka madaxtooyada laga helayo ayaa sidoo kale qeexaya in uu madaxweynahu u dhoofi doono magaalada Dhuusamareeb Khamiista soo socota.

Habeen hore ayaa waxay madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya ay soo saareen war saxaafadeed 4 Qodob ka kooban , kaas oo ah mid kamid ah qodobada uu dhigayay in ay casuumeen madaxda dowladda Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan shir looga hadlayo xaaladda dalka oo ka dhacaya Dhuusamareeb.

Comments are closed