Dabeylo xoogan oo Bur-buriyay Guryo ku yaala Magaalada Jowhar

Jowhar (Nogob News) 23/07/2020

Dabeylo xoogan oo duhurnimadii shalay ka kacay magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle, oo socday mudo kooban ayaa sababay iney dumaan qaar ka mid ah guryo ku yaalay Xaafada Hantiwadaag.

Dabeyshan ka kacday magaalada Jowhar oo aheyd mid xoogan ayaa dumisay laba guri oo ku yaalay xaafada Hantiwadaag waxaana sidoo kale ay jiingadaha ka buubisay guryo kale.

Goobjogayaal ku sugan degmada Jowhar oo u waramay Shabakada Warbaahinta HOL ayaa sheegay in dabeysha mar qura laga wada dareemay guud ahaan xaafadaha magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe haba ugu sii darnaate xaafada hantiwadaag oo khasaaraha ugu badan dabeysha ka geysatay shalay, inkasto aysan jirin wax dhimasho ah marka laga soo tago khasaaraha hantiyadeed ee soo gaaray guryaha dumay.

Xaalada degmada Jowhar ayaa ah haatan mid dagan waxaana dabeyshani kusoo beeg meysa xili maalmahan dambe roobab xoogan oo wata qabow daran ay ka da’ayeen gobolada Shabeeloyinka iyo Banaadir waxayna dadka aad u hadal hayaan isbadalka cimilada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya oo qabow siyaado ah laga dareemayo.

Comments are closed