Madaxweyne Farmaajo “waxaan meel iska dhignay dantii ku saabsaneyd shakhsiga”

Dhuusamareeb (Nogob News) 23/07/2020

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu  xalay ka hadlay munaasabaddii lagusoo xerayay shirkii Dhuusamareeb uga socday madaxda maamul Goboleedyada iyo hoggaanka ugu sarreeyo dalka.

Waxa uuna tilmaamay in dalka laga shaqeynayo sidii ay uga dhici laheyd doorasho la isla oggolyahay, oo la wada aqbalsanyahay.

“Umadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay, dalka meel fiican buu u socdaa,  waxba yaan la qalbi jebin , mas’uuliyiintii dalka u sarreysaa nahay, waxaan ka fakareynaa danta guud, danta shakhsiga ahna kolley waan ku ballannay inaan ka tegno. Waxaan soo wadnana ma noqon doonto, wax aan u dan aheyn dowladnimada Soomaaliyeed, dadka Soomaaliyeed iyo Sumacadda Soomaaliyeed” ayuu madaxweyne Farmaajo ka sheegay xeritaankii shirka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay kala aragti duwaanta aysan aheyn wax xun, balse wuxuu sheegay in Afkaartii madaxda Dhuusamareeb isugu timid ay la xiriirtay sidii Soomaaliya ay ku noqon laheyd dowlad sal adag ku taagan.

Maanta ayaa la filayaa in badi madaxdii ku shirsaneyd magaalada Dhuusamareeb ay dib ugu laabtaan deegaannadii ay ka kala yimideen ee dalka.

Comments are closed