Madaxweyne Waare “ Yeenaan fuusto daloosho biya ku dhaamin, dalkaan waa muhiim in tabartiisa la eego”

Dhuusamareeb (Nogob News) 23/07/2020

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Dr. Maxamed Cabdi Waare oo khdubad dhowr daqiiqo ah ka jeediyay xeritaanka shirkii Dhuusamareeb ayaa waxa uu ka hadlay arrimo guud ahaan khuseeyay doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in loo baahanyahay in loo turo dadka iyo dalkaba, lagana shaqeeyo doorasho is-oggol ah oo ku dhacda rabitaanka dadka iyo madaxdaba.

”Yeeynaan fuusto duleesho biyo ku dhaamin, hadda ka hor ayaa la yiri ma tabar ayaa la guuraa mise taako, dadka wax garadka ah waxay yiraahdeen taako tabar halla guuro, waxaa laga yaabaa in aan taakaba la guuri Karin, dalkaan halla geliyo doorasho la isla ogolyahay” ayuu madaxweyne Waare ka sheegay xafladdii xeritaanka shirkii Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay arrimaha xildhibaannada kuraastii doorashadooda ku qoray deegaanno kale, isagoo tilmaamay inuu kursigaasi lumi doono.

“Ku bishaareystaa inuusan kursigaasi soo noqoneyn” ayuu mar uu arrintaasi ka hadlayay madaxweyne Waare ka yiri xafladdii xalay.

Hirshabeelle oo ah maamulka ugu yar maamul goboleedyda dalka, waxa uu dhammaadka sanadkaan geli doonaa doorashada madaxda sare iyo xildhibaannada.

Comments are closed