Hoobiyeyaal xalay lagu garaacay Magaalada Beledweyne

Beledweyne (Nogob News) 22/08/2020

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa xalay lagu garaacay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne, gaar ahaan Saldhiga ay ku leyihiin Taliska Ciidamada Jabuuti xaafadda Howlwadaag.

Ilaa 6 hoobiye oo is xigxigay ayaa si weyn looga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kuwaas oo mar qura hurdada ka toosiyay dadka shacabka ah.

Hoobiyaashan oo xalay abaare 11:00 Habeenimo lagu garaacay Saldhiga Ciidamada Jabuuti ee xaafad Howlwadaag ee galbeedka magaalada Beledweyne ayaana la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, inkasto aysan weli wax war ah kasoo saarin taliska ciidamada Jabuuti iyo maamulka gobolka weerarkasi hoobiyeyaasha ah.

Weerarada loo adeegsanayo hoobiyeyasha ayaa saddaxdii bilood ee ugu  dambeysay si joogta ah bil walba loogu soo qaadayay Saldhigyada Ciidamada Jabuuti ee Xaafada Howlwadaag iyo xerada Ciidamada Militiriga Lamagalaay, kuwaas oo ay mas’uuliyaddooda sheeganayeen dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Comments are closed