Degmada Beercaano Qorsheyneysa Wax soo saarka Sanadkan 2020

Beercaano (Nogob News) 11/09/2020

Degmada Beercaano ee gobolka shabeelle, waxay kamid tahay degmooyinka hormuudka ku ah dhanka waxsoosaarka beeraha, ee ka fa’ideysta biyaha wabiga shabeelle, oo leh dhul dihin oo ku haboon dhanka waxsoosaarka beeraha oo kor udhafaya ilaa 27kun oo hektaar.

Si hadaba kheyraadkan dhanka waxsosaarka kaladuwan ee beeraha looga fa’ideysto, ayaa waxaa Degmada kasocda dadaalo balaadhan oo shacabku ay kaga fai”deysanayaan waxsoosaarka kaladuwan ee beeraha, iyaga oo dhanka dawladana ka helaya gacan qabashada iyo tagerooyinka ay ubahanyihiiin,

Waxayna sanadkii 2012ka mamulka Degmadani Beercaano ay qorshe ahaan uqaateen, in dhanka beeraha looga fa’ideysto dhul dhan 8kun oo hektaar. iyada oo waliba beeralayda goobaha ayna gaadhin kanalada biyaha wabiga soo qadana loo qeybiyay 12matoorada biyaha soo jiida,

Waxayna qaarkamida shacabka beraleyda qabalaha Raranle ee degmada Beercaano oo aan lakulanay iyaga oo ku hawlanaa dhanka beeraha ay nala wadageen sida ay uga fa’ideystaan waxsoosaarka beeraha, waxayna shegeen in marba marka kadanbeysa ay kor usii kaceyso hayntooda dhaqale, tageerooyinka dhanka farsamada beerahana ay ka helaan dawlada.

Nogob News

Comments are closed