Diyaarad ku dhacday garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

Muqdisho (Nogob News) 19/09/2020

Diyaarad nooca xamuulka qaadda oo kusii jeedday magaalada Beledweyne ayaa   cilad farsamo oo ku timid awadeed kusoo dhacday garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Ma jiraan khaasaare nafeed oo ka dhashay,  waxaana lagasoo badbaadiyay 4 qof oo saarneyd,  sida HOL ay u sheegeen Ilo wareed ku sugan madaarka magaalada Muqdisho.

Waxay hadda taallaa meel aan aheyn dhabbaha diyaaradaha ay ka deggaan.

Sii-hayaha Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA u sheegay in loo gurmaday dadkii diyaaradda saarnaa,  balse muu sheegin nooca ciladda farsamo ee diyaaradda heshay.

Diyaaraddan ku dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaa lahayd shirkadda Sky ward ee dalka Kenya,iyadoo sidday agab ay lahaayeen ciidammada Amisom.

Soomaaliya waxaa aad igu kordhaya bishii dembe shilalka diyaaradaha dalka,  kuwaas oo dhammaantood la sheegay in la baarayo,  balse weli aan wax natiijo ah oo kama dambeys ah lagama soo saarin

Comments are closed