Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay dhaqan galinta heshiiska doorashada

Muqdisho (Nogob News) 03/10/2020

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray Faafinta iyo dhaqangalinta Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka 2020-2021, isagoo ku dhawaaqay in doorasho loo dhaqaaqayo.

Raysal wasaaraha ayaa hay’addaha qaranka ee kaalinta ku leh arrimaha doorashooyinka faray inay fuliyaan heshiiskaan si waafaqsan habraaca lagu heshiiyay.

Waxaa uu sheegay inay xukuumadiisa ka go’an tahay in ay dalka gaarsiiyo doorasho xallaal ah.

Raysal wasaaraha ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay taageeraan hannaanka doorasho si ay waqtigooda ugu qabsoomaan.  

Hadalka raysal wasaare Rooble, ayaa yimid xilli uusan weli soo magacaabin xukuumadii ka shaqeyn lahayd fulinta heshiiskaan, inkastoo uu tilmaamay in lasoo magacaabidoono labo guddi doorasho iyo guddiga xalinta khilaafaadka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ballanqaaday in doorashada lagu qabandoono waqtigii la doortay, taasoo ka dhigan in aysan hal maalin dib u dhicidoonin.

Dadka arrimaha siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in aysan suurtagal ahayn in doorashada lagu qaban karo waqtigeeda, marka loo eego daruufaha jira awgeed iyo caqabadaha horyaala dowladda.

Comments are closed