Dowladda federalka Soomaaliya oo ciidamo kale geysay gobolka Gedo

Gedo (Nogob News) 11/10/2020

Dawladda Soomaliya ayaa ciidamo kale geysey xad beenaadka Soomaliya iyo Keny, halkaas oo dhawaan ay ka dhaceen isku dhacyo u dhexeeyay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya.

Lama oga ujeedada xilligan kusoo beegtay ciidamadan dowladdu geysay gobolka Gedo xilli aan weli xal laga gaarin khilaafkii Jubbaland iyo dowladda federalka ee ka dhashay ciidamo la geeyay Gedo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan sheegay in gobolka Gedo xaaladdiisa amni ay faraha ka baxday islamarkaana ay fursad fiican heleen ururka Alshabab.

Axmed Madoobe ayaa dowladda dusha ka saaray dhibaatooyinka amni ee gobolka Gedo ka dhacay, isagoo sheegay in dowladdu ugasii dartay xaaladda gobolkaas uu ku jiro.

Madaxweynaha jubbaland ayaa codsaday in ciidanka xooga laga saaro Gedo ka kahor inta aan arrimaha doorashooyinka la gudo galin islamarkaana maamulkiisa loo madax bannaaneeyo inuu maamulo gobolka Gedo.

Comments are closed