Jidka taga Xabaalaha Fiiq oo lagu dacay-turay iskaashiga Maamulka Gobolka Erer & Ururka Samo-falka dhallinyarada.

Fiiq (Nogob News) 11/10/2020

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Erar & Ururka Sam-falka Dhalinyarada Gobolka oo iskaashanaya Ayaa xoogooda ku dayac-tiray jidka loo maro Qubuuraha ku yaalla duleedka magalada fiiq oo ay wax-yeelo ugaysteen roobabkii dhawaan ka da’ay magaalada Fiiq.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Xildhibaan Shukuri mustafe faarax iyo Ku-xigeenkiisa Mudane C/laahi Xasan oo ay wehelinayaan qaarkamid ah masuuliyiinta Gobolka, Degmada iyo Ururka dhalinyarta Samo-falka Gobolku waxay si wada-jir ah xoogooda ugu sameeyeen jidka loo maro Xabaalada magaalada fiiq.

Tallaabadan ayuu gudoomiyaha gobolku ku tilmaamay mid dhiiri-galinaysa shacabka si ay iyaguna dhibaatooyinka aan u baahnayn awood dawladeed ay gacantooda ugu qabsadaan.Dhankooda; Shacabka magaalada Fiiq ayaa maamulka iyo dhalinyarada uga mahadceliyay siday u muujiyeen ficilkan is-xilqaanka ah ee tusaalaha mudan.

dhankiisana gudoomiyaha maamulka gobolka Erar oo kulan layeshay dhalinyarada samafalka gobolka Erar ayaa uga mahadceliyey dadaalkooda wax-qabad, kuna booriyey inay sii xoojiyaan hawlahan oo kale.

Comments are closed