Madaxweynaha Maraykanka oo dalbaday in ciidamada Maraykanka lagasoo saaro Soomaaliya

Mareykanka (Nogob News) 14/10/2020

Madaxweyne Donald Trump ayaa u sheegay la taliyeyaashiisa sarsare inuu doonayo in uu la baxo ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.

Go’aankaan ayaa qeyb ka ahaa balanqaadyadii ololaha doorashadiisa ee ahaa inuu askarta Maraykanka kusoo celinayo dalkooda inkastoo weli Maraykanku ku guulaysan dagaalkii uu kula jiro ururka Al-shabaab.

Mareykanka waxaa Soomaaliya ka jooga 650 illaa 800 oo askari, sida uu sheegay Taliska Mareykanka ee Afrika, Waxaa ciidamadan ku jira ciidamo gaar ah oo gacan ka geysanaya tababarka ciidamada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi ayaa horey u sheegay ciidamada Mareykanka ay jecel yihiiin inay sii joogaan Soomaaliya, isagoo intaas ku daray inuu rumeysan yahay in dalkiisa oo kaashanaya taageerada Mareykanka uu qarka u saaran yahay inuu ka adkaado Al-shabaab.

Rabitaanka madaxweyne Trump waxay ka caraysiisay saraakiisha ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya iyagoo ka digay inay taasi keeni karto in ay fursad fiican siin karto kooxda al-Shabaab

Kelly Cahalan, oo ah afhayeen u hadashay Taliska Mareykanka ee Afrika, ayaa sheegtay in Mareykanka ay weli ka go’an tahay inuu la shaqeeyo Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka si loo xoojiyo xasilloonida gobolka ee muddada fog.

Comments are closed