Faah faahin Qarax miino duulleedka Dhuusa-Mareeb lagula eegtay Askar ka tirsan ciidamada dowladda

Galmudug (Nogob News) 10/11/2020

Inta la xaqiijinayo Labo Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhintay weerar miino loo adeegsaday oo ka dhacay dulleedka degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud.

Sidoo kale qaraxan oo ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Sinno –dhaqo ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa sagaal askari oo la socday gaariga la bartilmaameedsaday oo ahaa nooca dagaalka.

Askarta dhaawacu soo gaaray ayaa la geeyay goobo caafimaad oo ku yaala degmada Dhuusa-Mareeb, halkaa oo lagu dabiibayo.

Ma jiro wax war ah oo weerarkan miinada loo adeegsaday ka soo saareen saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka intaba.

Comments are closed