Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Doorashada soo socota ay ku bixidoonto $40 million

Muqdisho (Nogob News) 26/12/2020

Doorashooyinka soo socda ee baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku kicidoonta 40 milyan oo dollar, wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in inta badan ay bixin doonaan deeq bixiyayaasha caalamiga ah.

Cabdiraxmaan Bayle oo bixiyay wareysi wuxuu sheegay in dowladda Federaalka ay miisaaniyadda u gudbin doonto beesha caalamka maalinta Axadda si loo maalgeliyo.

Sida uu sheegay wasiirku, 90% miisaaniyada waxaa la filayaa inay maalgaliso beesha caalamka halka dowladda ay ku leedahay 10%.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal (FIET) ayaa ku dhawaaqay toddobaadkan doorashooyinka Golaha aqalka sare in ay bilaaban doonaan 27-ka Diseembar illaa iyo 6-da Janaayo si loogu gogol xaaro xulashada ergooyinka dooran doona xildhibaannada.

Doorashada xildhibaanada ayaa dhici doonta inta udhaxeysa 9-ka ilaa 28-ka Febraayo si loogu gogol xaro doorashada madaxweynaha cusub.

Ku dhowaad 30,000 oo ergo ayaa dooran doonta 275 xubnood ee golaha shacabka.

Comments are closed