Jadwalka Doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka oo la soo saaray

Muqdisho (Nogob News) 26/12/2020

Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ayaa shaaciyay jadwalka doorashada dalka dalka ee sanadka 2020-21, gaar ahaan doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga Jadwalka soo saaray oo aan wali heshiis lagu aheyn, ayaa qoraalkooda ku sheegay 26-ka bishan December, iyaga oo fursad lix cisho ah siiyey sidii ay madaxda maamulada dalka kusoo saari lahaayeen liiska musharaxiinta, taasi oo ku eeg isla 29-ka bishan.

Golaha midowga musharixiinta dalka ayaa siweyn uga soo horjeeda hannaanka ay dowladda Soomaaliya u mareyso doorashooyinka dalka, waxaana ay ku eedeeyeen in ay soo magacaawday guddiyo doorasho oo isugu jira shaqaale dowladeed iyo xubno ka tirsan NISA 

Hoos ka akhriso jadwalka oo dhameysitiran

Comments are closed