Shir magaalada Garoowe uga furmaya midowga musharixiinta iyo maamul gobolleedyada

Garoowe (Nogob News) 26/12/20202

Maanta ayaa lagu wadaa in qaar ka mid ah midowga musharixiinta dalka u dhoofaan magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamul gobolleedka Puntland, halkaasoo uu shir uga furmayo madaxda dowlad gobolleedyada qaar iyo midowga musharixinta mucaaradka.

Wafdigan maanta taggaya magaalada Garoowe waxaa horkacaya musharax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo sheegay in kulamo kala duwan halkaa kula qaadan doonaan qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada oo ay ka arinsan doonaan arrimaha doorashada dalka.

Socdaalkan ayaa imanaya xili madaxda labada dowlad gobolleed Puntland iyo Galmudug ku dhawaaqeen in ay qaban-qaabinayaan shirweyne lagu soo dhameynayo khilaafka ka dhashay hannaanka loo marayo doorashada dalka.

Kulankan sidoo kale waxaa ka qeyb ka noqon doona Ururada Bulshada rayidka, kuwaas oo doorwyen ku yeelan doona xalinta khilaafka ka dhashay Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Comments are closed