DAAWO Farmaajo Ka Baaqday Shirka Garoowe Saaka Ka Furmay Guled Mahdi Ka Soo Qeybgalay

Garoowe (Nogob News) 29/12/2020

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa soo dhaweyn u sameeyey wafdi ka socda xukuumada Federaalka oo uu hogaaminayo Raysalwasaare Kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed oo ka yimid magaalada Muqdisho.

Wafdigan oo ay ku jiraan in badan oo kamid ah Golaha Wasiirada Federaalka ayaa ka qeyb galaya shirka lagu wado inuu caasimada Puntland ka furmo maalinta berri ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Magaalada Garowe ayey horey u yimaadeen Guddoomiyayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, Madaxweynayaasha Jubaland & Galmudug, Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, siyaasiyiin iyo aqoonyahano badan.

Comments are closed