Dowladda Britain oo digniin caafimaad soo culus soo saartay

London (Nogob News) 02/02/2021

War ay soo saartay dowladda Britain ayeey ku sheegtay suurtagalnimada in toddobaadyada soo socda uu dalku wajaho xaalad caafimaad tii ugu darrenyd.

Shaqaale fasaxyo ku maqnaa iyo xanuunka Covid19 noociisa cusub ayeey hay’adaha caafimaadku sheegaan in ay la daalaa dhacayaan fiditaanka xanuunkaas.

Dhakhaatiirta iyo Shaqaalaha dalka Britain ayaa ka diggay in ay ku adag tahay in Isbitaallada dalku deeqaan bukaannada uu soo ridayo cudurka Covid 19 noociisa cusub 

Labada dhinac ayaa waxaa ay ugu baaqeen dadweynuhu in ay feejignaadaan oo racaan shuruucda ay dowladu dejisay ee lagu xakameynayo.

Tooddobaadkan oo kaliya waxaa la diiwaangaliyay 55,892 kiis oo cusub, 964 qofna waxaa la sheegay in ay cudurkan u geeriyoodeen. 

Dowladda Britain ayaa waxaa ay ka mid tahay dalalka u saameeyya nooca cusub ee Covid19, waxaana todobaadkii la soo dhaafay uu ku dhacay kumaan ruux.

Comments are closed