Dowladda Itoobiya oo shaacisay in ay mas’uuliyiin ka dishay Tigray

Addisababa (Nogob News) 08/01/2021

Ciidamada milatariga dowladda Itoobiya ayaa howlgal ay fuliyeen ku dilay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsanaa dhaqdhaqaaqa xoreynta Tigray ee magaciisa loo soo gaabiyo TPLF, sida lagu sheegay war la shaaciyay galinkii dambe ee Khamiistii.

Ragga la sheegay in la dilay waxaa ka mid ah taageeraha caanka ah ee TPLF, Sekoture Getachew, iyo Daniel Assefa, oo ahaa madixii hore ee laanta maaliyadda Tigray.

Zeray Asgedom, oo ahaa madixii hore ee maamulka warbaahinta Itoobiya iyo Abebe Asgedom ayaa sidoo kale lagu dilay howlgalka, sida ay taliska milatariga federaalka sheegeen.

Bayaan uu soo saaray mas’uulka ugu sarreeya waaxda ciidan diridda Itoobiya, Janaraal Tesfaye Aylew, ayuu ku sheegay in sagaal sarkaal oo kale oo ka tirsanaa TPLF la xiray.

Kuwaasina, sida uu sheegay, waa Kidusan Nega, afhayeenkii hore ee maamulka gobolka, Abadi Zemu, danijirihii hore ee Itoobiya u fadhiyay Suudaan, Solomon Kidane, Teklewayini Assefa, Gebremedhin Tewolde, Woldegiorgis Desta, Tewodros Hagos iyo Mihret Teklay.

Hase yeeshee, ilaa hadda ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya dilalka iyo xarigga ay dowladda Itoobiya sheegatay.

Dowladda ayaa xayiraado adag kusoo rogtay warbaahinta gobolka Tigray, taas oo meesha ka saartay in si rasmi ah loo ogaado waxa ka docda halkaas.

Waxaa xitaa gobolkaas aan loo fasixin in ay ka howl galaan shaqaalaha hayadaha gargaarka.

Mas’uuliyiinta dowladda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa bishii November soo saaray amar lagu soo xirayo in ka badan 60 qof oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee TPLF.

Waxaan ilaa hadda meelna lagu sheegin qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha TPLF – oo uu ku jiro guddoomiyahooda, Debrestion Gebremichael.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa bishii November ku dhawaaqay in lasoo afjaray howlgalkii milatari ee ka socday gobolka Tigray kaddib markii ay ciidamada federaalka gacanta ku dhigeen caasimadda gobolkaas ee Maqalle.

Maleeshiyo Tigray ah oo lagu qabtay bar isbaaro ah

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa xilligaas sheegtay in milatariga federaalku ay dagaalkii dhowrka isbuuc socday ku dileen 550 ka tirsan dagaalyahanada (TPLF).

Kumannaan ruux oo ka barakacay dagaalka ka socday gobolka Waqooyiga Itoobiya ku yaalla ayaa gaaray dalka dariska la ah ee Suudaan.

xigasho bbc

Comments are closed