Axmed Madoobe ” Madaxweyne Farmaajo sharaf dhac ayeey ku tahay in uu isku dhajiyo gobol gaar ah

Kismaayo (Nogob News) 09/01/2021

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa mar ku celiyay in xa laga gaaro arrimaha gobolka Gedo oo sida uu hadalka u dhiggay ah caqabada ugu weyn ee hortaagan qabsoomida doorashada.

Madaxweyne Farmaajo ayuu sheegay in ay isaga ku xiran tahay arintan loogana baahan yahay in uu la yimaado maskax caafimaad qabta oo looga gudbi karo khilaafka ka taaggan doorashada.

Mar uu soo hadal qaaday faragalinta gobolka Gedo ayuu sheegay in madaxweynaha ay sharaf dhac ku tahay in uu is xijiyo gobol gaar ah taasoo hoos u dhigeysa ayuu yiri hoggaamintiisa.

Wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay dhankooda in doorashadu mar walba waqtigeeda ku dhacdo oo aysan sii jiitamin laakiin taa badalkeeda ay muhiim tahay in gobolka Gedo lagu soo celiyo gacanta Jubbaland.

Khilaafka Doorashada ayaa ah mid salka ku haya Arrimaha gobolka Gedo iyo Guddiga doorashooyinka ay dowladda magacaawday  oo ay ka soo horjeesteen Midowga Musharixiinta iyo inta badan siyaasiyiinta mucaaradka

Comments are closed