Shirkadda Twitter ee hawada ka saartay boggii madaxweyne Trump

Mareykanka (Nogob News) 09/01/2021

Shirkadda Twitter ka ayaa hawadda ka saartay gabi ahanba hoggii madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump kaddib markii la ogdaaday in loo adeegsado erayo kicin ah ama aan u wanaagsaneyn amniga dalka.

Sidoo kals Twitter ayaa ku eedeysan madaxweyne Trump in uu ku xadgudbay sharciyada iyo badqabka ee u yaala shirkadda, bogga madaxweynaha ayaa waxaa ku xirnaa  88.7 malyuun oo qof .

Dad magac leh ku dhax leh siyaasadda dalka Mareykanka ayaa si isdaba joog ah uga dalabanayay saacadihii ugu danbeeyay in ay tallaabo ka qaado qoraalada uu madaxweynaha soo dhigayo Twitter kuwaa oo keeni kara kicin bulsho iyo nabadgalyo darro.

tallaabadan ayaa ka dhiggan in Trump aanu isticmaali doonin Twitter oo uu aad u jeclaa kuna qori jiray wararka uu rabo in ay saaxafada qaadato.

Comments are closed