Ciidamada Itoobiya oo sheegay inay qabteen Sebhat Nega

Addisababa (Nogob News) 09/01/2021

Sida ay shaaciyeen Warbaahinta afka dawladda ku hadasha waxaa gacanta lagu soo dhigay xubno ka tirsanaa TPLF oo uu ku jiro ninka lagu magacaabo Sebhat Nega.

Sebhat Nega ayaa kamid ahaa raggii aasaasay Ururkii TPLF ee laga adkaaday, isla markaana hadhaaggiisu uu duurka ku jiro.

Mr Nega ayaa waxaa lala qabtay kuwa kale oo dhammaantood xubno sare ka ahaa maamulkii TPLF ee loo awoodda sheegtay.

TPLF ayaa duurka ku jirtay tan iyo markii dawladdu ay dagaal ku qaaday, isla markaana ka qabsatay degaankii Tigray ee ay maamulayeen.

Wali waxaan geeri iyo nolol midna lagu hayn rag uu ku jiro ninkii u sareeyay TPLF iyo afhayeenkoodii oo ay dawladdu wali raadsanayso.

Comments are closed