70 ruux oo Soomaali ah oo laga soo masaafuriyay dalka Mareykanka

Mareykanka (Nogob News) 15/01/2021

Maxamuud Muuse Xassan oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Soomaalida Mareykanka ayaa sheegay in saacadihii hore ee maanta dalka Mareykanka laga masaafuriyay ilaa 70 ruux oo Soomaali ah.

Isaga oo la hadlayay Idaacada VOA ayuu sheegay in qorshuhu yahay in dalka Mareykanka laga saaro 4,800 oo isugu jira qaxooti iyo dad kale oo danbiyo galay, hasse ahaatee ilaa iyo hadda la masaafuriyay dad tiradoodu gaareyso 1.440 oo ay ku jiraan 70 ruux saacadihii ugu danbeeyay dalka laga saaray.

Dadka waxaa ku jira dad ay horay loo xukumay oo danbiyo galay iyo kuwa kale oo loo diiday qaxootinimo, waxaana ka mid ah sida uu sheegay Maxamuud Muuse dad aan xitaa garaneyn luuqda Soomaaliga.

Masafurintan ayaa imaneysa  wax yar uun ka hor mudaddiisii xil wareejinta oo la filayo in ay dhawaan dhacdo.

Comments are closed