Madaxweyne Deni oo digniin u jeediyay dadka maamulkiisa ka dhaliila baraha bulshada

Garoowe (Nogob News) 17/01/2021

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa digniin u diray dad uu sheegay in ay caadeysteen dano siyaasadeed oo lagu kicinayo bulshada iyagoo baraha internet-ka u adeegsanaya si khaldan.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkaan ka sheegay xilli uu maanta tababar u soo xirayay cutubyo katirsan ciidamada bilayska Puntland, kuwaas oo uu tababar uga socday xero ciidan oo kutaala magaalada Qardho.

“Dadka waayadan danbe caadeystay iyagoo dano Siyaasiyiin meelo kale jooga ka fulinaya, inay dadka kiciyaan, Booliiskaan booliiskii hore waa ka duwanyahay waxaa dacwad lagugu soo oogayaa meel kasta oo aad joogto oo danbi ku gashid, Facebook xitaa hadda danbi ku gashid waa lagusoo qabanayaan,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in maamulkiisa uusan aqbalidoonin mudaharaad laamiyada lagu gubayo oo laga leeyahay dano siyaasadeed oo lagu majaxaabinayo amniga iyo kala dambaynta Puntland. Wuxuu amray ciidanka Booliiska inay gacan ku dhigaan dadka falalkaas geysta.

Puntland oo sanadkan isku diyaarinaysa qabsoomida doorashooyinka nidaamka xisbiyada badan ee dimuqraadiyadda, ayay siyaasiyiin badan oo ka aragti duwan madaxweyne Deni waxay ku eedeeyeen in uusan lahayn dulqaad uu ku xamili karo dhaliilasha loo jeediyo maamulkiisa.

Comments are closed