Weerar madaafiic ah oo Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Jubbada hoose

Husungow (Nogob News) 17/01/2021

Dadka deegaanka Husungow oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa warbaahinta u sheegay in saacadihii aynu soo dhaafnay maqlayeen dhawaqa madaafiic ka dhaceysa qoriga hoobiya oo lagu tuurayo xero ay degen yihiin ciidamada Kenya ay qeybta ka ah AMISOM.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka hoobiyayaasha ah oo ay mas’uuliyiintiisa sheegteen xoogagga Ururka Al-shabaab.

Ciidamada Kenya ay ku sugnaa saldhig la weeraray ayaa la sheegay in dhankooda ay ku jawaabeen hub culus iyo madaafiic ay ku tuurayeen halka uu weerarku uga yimid.

Deegaanka Husungow oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa maalmihii ugu danbeeyayba waxaa ka dhacayay weerarro is daba joog ah oo lala eeganayo ciidamada Kenya iyadoo dhawaan weerar miino oo lagu qaaday gaadiid ay la socdeen ciidamada Kenya uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Comments are closed