Khadiijo Maxamed Diiriye ” Farmaajo waa madaxweynaha kaliya oo ay caddahay in uu mar kale dib u soo noqonayo

Muqdisho (Nogob News) 22/01/2021

Wasiirka Wasaarradda Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye si cad u sheegtay in madaxweyne Farmaajo yahay madaxweynaha kaliya ee isaga oo aan muddo xileedkiisa dhameysan ay caddahay in mar kale dib loo dooranayo.

Khadiijo Diiriye oo dhinaca kalana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa hadalka ka sheegtay wareysi uu la yeeshay TV Somalia Cable, waxaana  ay ku amaantay madaxweyne Farmaajo in muddadii 4 sano aheyd uu wax badan qabtay.

Wax yaabaha ay ku amaantay madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah in uu wax ka qabtay arrimaha bulshada,dhaqalaha ,ciidanka  iyo cadaallada iyada oo sheegtay in dib u dhis ballaaran oo dhinaca jidadka ah la sameeyay muddadii uu xilka hayay.

Mar laga soo tago hadalka Wasiir Khadiija dhinaca kale waxaa jira eedeymo culus loo jeedinayo dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la leeyahay waxaa ay ku fashilantay howlihii loo idmaday.

Comments are closed