Mareykanka oo digniin ka soo saaray doorashada Soomaaliya

Muqdisho (Nogob News) 24/02021

War ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay doorashada Soomaaliya iyo walwalka Mareykanku uu ka qabo is mari-waaga ka  taagan qabashada doorasho leysla ogol yahay.

Warka ka soo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in marnaba aan la aqbali doonin in ay dalka ka dhacaan doorashooyin is barbar socda ama doorasho hal dhinac ah oo kaliya, sidoo kale waxaa laga digay qalalaase dalka dhaca kaasoo salka ku haya arrimaha doorashooyinka.

Warka ka soo baxay saafaraadda ayaa imanaya xili wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya ay cadaadis weyn ku saarayaan dhinacyada Soomaalida in ay ka heshiiyaan khilaafka ka taaggan doorashada iyadoo muddo xileedka dowladda hadda jirta uu sii dhamaanayo.

Dhinacyada Soomaalida ayaa isku khilaafsan guddiyada doorashada federaalka, kan Somaliland iyo weliba sida doorashadu uga dhacayso gobolka Gedo.

Comments are closed