Madaxtooyada Soomaaliya oo warsaxaafadeed kasoo saartay kulankii dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo danjirayaasha caalamka

Muqdisho (Nogob News) 30/01/2021

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjireyaasha iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu la wadaagay danjirayaasha caalamka sida ay uga go’an tahay dowladdiisa qabsoomidda doorasho daahfuran, iyada oo la raacayo Heshiiskii 17-kii sibteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey horumarka ay dowladdiisa ka gaartay hannaanka hirgelinta doorashada oo ay ugu horreysay heshiiskii siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, ansaxinta habraacyada iyo shuruucda hagaya doorashada, diyaarintii Guddiyada Madaxa-bannaan ee qabsoomidda doorashada iyo xaqiijinta miisaaniyadda doorashooyinka.

“Tanaasul badan ayaan ka sameynay hannaanka hirgelinta doorashada, waana arrin mudan dhiirrigelin iyo xoojin, si looga miro dhaliyo hadafka guud ee qabsoomidda doorasho waafaqsan shuruucda dalka, kana tarjumeysa hor –u-socodka dowladnimadeenna,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa bogaadiyey dadaallada Xukumaddiisa ee ku aaddan xaqiijinta qabsoomidda doorashada, isaga oo adkeeyey in la sii amba-qaadayo qorsheyaasha lagu hirgelinayo doorashada.

Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka waxaa qoraalka kasoo baxay madaxtooyada lagu sheegay in ay bogaadiyeen tallaabooyinka loo qaaday hergelinta hannaanka doorashada, waxa ayna tilmaameen in ay ku garab taagan yihiin  dowladda dadaallada ay ku bixinayaan qabsoomidda doorasho.

Comments are closed