Faah faahin ku saabsan dabley gudaha u gashay Hoteel Afrik ee magaalada Muqdisho

Muqdisho (Nogob News) 31/01/2021

Wali waxaa la maqlayaa rasaas culus oo ay is weydaarsanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo koox dabley ah oo gudaha u gashay Hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyo is xig xigay ayaa laga maqlay ilinka hore ee hoteelka ka hor inta aysan gudaha u galin dableyda oo u muuqday kuwo u diyaarsanaa weerarka.

Ciidamada sida gaar ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan Hoteelka iyo daafihiisa kuwaa oo la dagaalamaya xoogagga hubeysan ee ku jira gudaha hoteelka oo adeegsanaya rasaas culus.

War kooban oo ka soo baxay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in gudaha hoteelka laga soo badbaadiyay dad kala duwan oo ku sugnaa hoteelka xiliga uu weerarku dhacayay. 

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay khasaaraha ka dhashay  weerarkan iyadoo hoteelka la weeraray inta badan ay tagaan saraakiisha dowladda iyo waliba dadka qurbo joogta ah.

Comments are closed