Beesha caalamka oo ka hadashay muranka ka taagan goobta lagu qabanayo shirka madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay

Muqdisho (Nogob News) 13/02/2021

Beesha Caalamka ayaa  soo dhoweeysay ku dhawaaqidda in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ay kulmi doonaan 15ka Febraayo si loo dhameystiro qabanqaabada hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17kii Sebtembar, loona sii amba-qaadi lahaa horumarkii la gaaray shirkii Dhusamareeb.

Beesha caalamka ayaa sheegtay in aysan aaminsanayn su’aasha ku saabsan goobta shirka lagu qabanayo in ay cudurdaar u noqoto dib-u-dhac kasta ee ku yimaada shir-madexeedkan muhiimka ah, waxayna ku booriyeen Dowladda Federaalka iyo Goboleedyada inay ku heshiiyaan jadwal doorasho oo gaaban oo lagama maarmaan u ah hirgelinta Heshiiskii 17kii Sebtembar.

“Waxaan aaminsannahay inay muhiim tahay in wadahadaladii ka soo billowday Dhusamareeb si dhakhso leh looga mira-dhaliyo marka la guda-galo wada-hadalada soo socda. Waxaan ku dhiirigelineynaa hoggaamiyaasha Soomaaliya ee ka qaybgelaya shir-madaxeedka inay si joogto ah ula xiriiraan oo ay ula tashadaan saamillayda kale ee Soomaaliyeed si wada-hadadalladu u noqdaan kuwo laga baaraan-degay,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay beesha caalamka.

Waxay sheegeen saaxiibadda Soomaaliya in la joogo waqtigii laga fogaan lahaa tallaabooyinka halka dhinac ah oo ay dhinacyadu keligood qaadaan, isla markaana si dhakhso leh loogu dhaqaaqi lahaa in lagu heshiiyo hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17kii Sebtember si loo soo doorto madaxda Soomaaliya.

Comments are closed