Jubbaland” waan ka fiirsaneynaa ka qeybgalka shirka Muqdisho

Kismaayo (Nogob News) 20/02/2021

Jubbaland ayaa sheegtay in ay qiimeyn ku sameyn doonto xaalada amaan ee magaalada Muqdisho ka hor ka qeybgalka shirka uu dhawaan ku baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in Jubbaland diyaar u tahay ka qeybgalka shirka looga hadlay arrimaha doorashooyinka, laakiin ay marka hore qiimeyn sameyn doonaan xaalada nabad-galyo ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Jubbaland ayaa dib ugu yeertay xubnihii guddiga farsamada ee ka joogay magaalada Muqdisho kuwaa oo dhawaan ka qeybgalay shirkii ku soo dhamaaday magaalada Baydhabo waxaa ay xubnaha kala yihiin Xirsi Jaamac Gaanni: Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Jubbaland iyo Mursal Maxamed Khaliif: Wasiirka Caafimaadka Dowlad-goboleedka Jubaland.

Muqdisho kuma sugna inta badan madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada waxaa dib u dhacay shirka uu ku baaqay madaxweynaha oo qorshuhu ahaa in uu furmo 18kii bishan.

Maalintii shalay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay iska horimaad hubeysan oo dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo taageerayaasa musharixiinta mucaaradka oo qorsheynayay in ay qabsadaan dibadbax looga soo horjeedo madaxweyne Farmaajo.

Comments are closed