Shan Askari oo lagu dilay iska horimaadyadii maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Nogob News) 20/02/2021

Shaqaale caafimaad  ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari lagu dilay iska horimaadyadii maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ku dhawaad 10 ruux oo rayid ahna ku dhaawacmeen.

Cabdi Bafo, oo ah dhaqtar ka howlgala  isbitaalka Madiina,  ayaa Sabtidii maanta sheegay dhimashadan iyo dhaawacanba yimaadeen kaddib markii ciidamada dowladda rasaas ku fureen dad dhigayay dibadbax la xiriira dib u dhaca arrimaha doorashooyinka dalka.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Sabti ah deggan waxaana dib u furay isku socodka dadka iyo gaadiidka kaddib rabshadihii shalay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa wajahaya cadaadis madaama uu dhamaaday muddo xileedkiisii afarta sano oo ku ekeyd 8dii bishan Feberaayo.

Madaxweynuhu kama uusan hadlin rabashidii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho hasse ahaatee waxaa arintaa cambaareeyay eedeyn u jeediyay mucaaradka Ra’iisal Wasaare Rooble.

Comments are closed