Madaxtooyada Soomaaliya oo war kasoo saartay shirkii maanta u furmay

Muqdisho (Nogob News) 21/02/2021

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa goordhaw qoraal kasoo saartay shirkii maanta u furmay madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo aay goobjoog ka ahayeen Wakiilo ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayay ergayga qaramada midoobay ee Soomaaliya James Swan waxaana kulanka looga hadlayay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey Kulanka maanta oo hordhac u ah shirka wadatashiga Qaran ee ku saabsan dhaqan-gelinta iyo talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka Federaalka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya in shirka diiradda lagu saaray xal u helida caqabadaha ku hor gudboon fulinta heshiiskii 17-kii Septembar, waxaana la isku raacay talo soo jeedintii guddiga in aay soo afjartay kala aragti duwanaanshihii ku aadanaa dhaqan galinta heshiiskii doorashada dalka.

Shirkan hordhaca ah ee maanta uu shir guddoomiyay madaxweynaha Soomaaliya ee muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa imaanaya xili aaysan qeyb ka aheyn maamulada Jubbaland iyo Puntland xili Jubbaland aay sharuudo adag ku xirtay ka qeybgalkeeda shirkan uu horay u iclaamiyay madaxweyne Farmaajo.

Comments are closed