Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Muqdisho (Nogob News) 12/03/2021

Alle ha u naxariisteen waxaa maanta oo Jimco ah magaalada Muqdisho lagu aasay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo maalin ka hor ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Salaada Jinaasada marxuumka waxaa ka qeybgalay madaxda ugu sareysa dalka oo uu ka mid yahay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo siyaasiyiinta mucaaraadka.

Aaska marxuumka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa oo ka qeybgalay Ra’iisal Wasaare Masxamed Xusseen Rooble, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, guddoomiyaha gobolka Banaadir, madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale.

Cali Mahdi ayaa dalka madaxweyne ka noqday sanadkii 1991kii,  balse waxaa xukunkiisa ka horyimid xiligaa xoogag taabacsanaa alle ha u naxariisteen Jen Maxamed Faarax Ceydiid,  laakiin  Cali Mahdi Maxamed ayaa talada dalka wareejiyay sanadkii 2000 oo shir ka dhacay magaalada Carta ee dalka Jabuuti madaxweyne loogu doortay Cabdiqaasim Salaad Xassan oo hadda ku dhaqan dalka Masar.

Comments are closed