Axmed Madoobe ” Farmaajo dalka god ayuu ku riday

Kismaayo (Nogob News) 17/04/2021

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo magaalada Kismaayo kula hadlayay bulshada rayidka ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo sida uu hadalka u dhigay in uu dalka god ku riday.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in sharci darro aheyd go’aankii uu dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya mudada ugu kordhiyay hay’adda dowladda oo muddo xileedkoodu dhamaaday, isaga oo intaa ku darray in bulshada looga baahan yahay u midoobaan badbaadinta dalka.

Wuxuu sheegay in marnaba Baarlamaanka Soomaaliya uusan awood u laheyn in baabi’iyo ama laalo heshiiskii doorashada ee 17kii September ee doorashada. 

”Haddii aan leyska qaban madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo wadanku meel kale ayuu tagayaa, waxaana tuusaale idinku filan marxalada maanta ay ku jirto Muqdisho oo dadku cabsi dareemayaan” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay in uu madaxweynuhu ku fashilmay in uu qabto doorasho  xor iyo xalaal ah, islamarkaana kaliya ay u muuqdo kuriga uu ku fadhiyo

Comments are closed