Beesha Caalamka oo war kasoo saartay heshiiskii aay gaareen Madaxda Soomaalida

Muqdisho (Nogob News) 28/05/2021

Beesha Caalamka ayaa si weyn usoo dhaweysay heshiiskii kasoo baxay shirkii wadatashiga arrimaha doorashooyibka dalka Soomaaliya ee u dhaxeeyay madaxda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Waxay saaxiibada Beesha Caalamka aad u bogaadiyeen Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ahaa hoggaamiyaha shirkii u dhaxeyay dowlada Fedaraalka, dowlad goboleedtada dalka iyo gobolka Banaadir.

Qoraalka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa sidoo kale loogu mahadceliyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isaga lahaa baaqa shirkan in la qabto si heshiis rasmi ah looga gaaro hanaanka doorashada dalka loona dhameystiro heshiiskii 17-kii September.

Saaxiibada Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay dhamaan saamileyda Siyaasadda iney deg deg uga qeyb qaataan sidii doorasho loo dhan yahay oo daahfuran dalka uga dhici laheyd.

“Saaxiibadda Beesha Caalamka waxay diyaar u yihiin inay madaxda Soomaaliya ku taageeraan hirgelinta heshiiskan taariikhiga ah”ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka kasoo baxay.

Comments are closed